Translation services (Somali)

Waxaannu rabnaa inaannu hubinno inuu macluumaadka ku saabsan adeegyadayadu noqdo mid la fahmi karo.

Waxaannu ku siin karnaa dhammaan macluumaadka aad u baahantahay oo ku qoran luqado kala duwan.

Waxaannu wax ku tarjumi karanaa luqado baadan oo aan ahayn kuwa halkan ku sajilan oo keliya.

Haddii aad u baahato cid kuu afcelisa waxaannu kuu qabanqaabin karnaa iyadoo telefoonka lagaaga afceliyo ama qof goob joog noqdo.

Haddii aanad ku hadlin ingiriisi fiican, ama aanad haba yaraatee ku hadli Karin, saacadaha shaqada tag mid ka mida xafiisyada soo dhawaynta ee hoos ku sajilan. Waxaanaannu kuu qabanqaabin doonnaa adeegga afcelinta oo isla markiiba ku caawin doona. Iyo qof luqaddaada kugula hadla haddii aad u baahato. Waxa laga yaabaa inaad muddo sugto ama soo noqoto si cidi luqaddaada kuugula hadasho, hase yeeshee shaqaalaha xafiiska soo dhawaynta jooga ayaa arrintaas kuu sheegi doona.

Haddii aad ingiriisida wax kaga hadasho oo aad garanayso adeegyadayada aad u baahantahay waxaad heli kartaa adeegga tarjamadda iyo afcelinta haddii aad toos iyaga ula xidhiidho. Waxaad ula xidhiidhi kartaa adigoo u dira telefoon, email, faagas, warqad ama u taga. Tafaasiisha xidhiidhka ee adeegga aad u baahantahay ka eeg qoraalka ku saabsan adeegyada ee la yidhaahdo Service A to Z ama kala xidhiidh xaruntayada telefoonnada 020 8891 1411.

Haddii aanad garanayn adeegga aad u baahantahay, waxaad ka eegi kartaa qoraalka ku saabsan adeegyada ee la yidhaahdo Service A to Z, kala hadal xaruntayada telefoonnada 020 8891 1411, ama saacadaha shaqada tag mid ka mid ah xafiisyadaya soo dhawaynta ee hoos ku sajilan.

Saacadaha shaqadu waa 9am illaa 5.15pm Isniin illaa Khamiis, 9am ilaa 5pm Jimcaha.

Waxaad macluumaadka ku saabsan dhammaan adeegyadayada iyo sida loo helo afcelinta telefoonka ka heli kartaa mid ka mid ah xafiisyadan soo dhawaynta:

  • Civic Centre, 44 York Street, Twickenham
  • Richmond Information Centre, Old Town Hall, Whittaker Avenue, Richmond
  • Elmfield House, High Street, Teddington
  • Centre House, 68 Sheen Lane, East Sheen
  • ama mid kastoo ka mid ah laybarreeriyada degmada

Waxa kale oo aad macluumaadka ku saabsan waxbarashada, fanka, iyo adeegyada tarfiihiga ah (leisure) iyo sida loo helo afcelinta telefoonka ka heli kartaa Education, Arts and Leisure, 1st Floor, Regal House, London Road, Twickenham.

Waxa kale oo aad macluumaadka ku saabsan adeegyada bulshada iyo sida loo helo afcelinta telefoonka ka heli kartaa xafiiska guud ee adeegyada bulshada ee ku yaal 42 York Street, Twickenham.

Haddii wax dhibaato ahi jiraan, fadlan la xidhiidh:

Hounslow Translation and Interpretation Service

Civic Centre
Lampton Road
Hounslow TW3 4DN
Tel: 020 8583 2299
Fax: 020 8583 2292
Email: translations@hounslow.gov.uk
Web: www.hounslow.gov.uk/translation

If you are an interpreter and wish to provide a service, please contact:

Hounslow Translation and Interpretation Service

Civic Centre
Lampton Road
Hounslow TW3 4DN
Telephone: 020 8583 2299
Fax: 020 8583 2292
Email: translations@hounslow.gov.uk
Web: www.hounslow.gov.uk/translation

This content can also be viewed in the following languages: